107 Qof oo ku dhintay Diyaarad ku burburtay dalka Cuba.

Wararka Dibadda Wararka Maanta

In ka badan 100 qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad Boeing 737 ah ay ku burburtay meel u dhaw Garoonka Caalamiga ah ee Marti  Havana ee dalka Cuba.

Saddex qof ayaa ka badbaaday, laakiin xaalad adag ayay ku jiraan, sida uu wariyay wargayska Cuban Party Granma.

Duulimaadkaan ayaa waxaa saarnaa 110 rakaab ah iyo shaqaale, sida laga soo xigtay shirkadda Mexican oo diyaaradda laga kireystay.

Laba maalmood oo barooranimo qaran ah ayaa lagu dhawaaqay, ka dib markii uu ku dhacay masiibo ugu xumeyd tan iyo 1980-kii.