Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda Xiisadda dalalka Khaliijka

Wararka Maanta

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalalka khaliijka, warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arimaha dibadda ayaa u qornaa sidan:

June 07, 2017
Muqdisho – Soomaaliya

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.