RW Khayre oo la kulmay wafdi kasocday dowlada Kenya

Wararka Maanta

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safar lama filaan ah oo shalay magaalada Muqdisho ay ku yimaadeen wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, kuwaasoo xalay ku hoyday Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Ababu Namwamba, waxaa wehliyay Agaasimaha Nabadda iyo Amniga ee Wasaaradda John Kilonzi, iyagoo qeyb ka ahaa wafuuda ka qeyb galeysa Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Ababu Namwamba ayaa xalay fiidkii kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan labada dal

“wada hadal ayaa la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan ka wada hadalnay arrimaha labada dhinac ee oo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya”ayuu yiri Ababu Namwamba.

Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan kulanka uu la qaatay Mas’uuliyiinta heerkooda hooseeyay ee ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid aad xumaa, waxaana bishii hore magaalada New York kulan uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar uu heshiis ka dhex dhaliyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo ku heshiiyay in dib loo soo celiyay xiriirkii caadiga ahaa ee labada dal.

Kenya ayaa waday dadaalo ku aadan sidii ay Soomaaliya wada hadal ugala furi laheyd Kiiska Badda ee dacwadeeda taal Maxkamadda ICJ, inkastoo Soomaaliya ku gacan seyrtay wada hadalada ay rabtay Kenya, isla markaana ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda.