SAWIRO:Munaasibad lagu soo dhaweynayey madaxda iftiin oo cadaado lagu qabtay

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Cismaan Macalin Xassan Geelle waxaa uu kamid yahay aas aasayaashii mu,asasada hormarinta waxbarashada iftiin waxay gobolada dhexe ee dalka ay kuleedahay 9aal iskool(Sagaal iskool) oo ay iyadu gacanta kuhayso islamrkaana ay maamusho.
Maanta ayaa garoonka diyaaradaha magaalada cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka galmudug waxaa ka soo dagay cismaan macalin xasan geele oo ay ardayda iftiin u yaqaanaan madaxweynaha mu,asasada iyo Xuseen Maxamuud Geedi oo isna katirsan aas aasayaasha mu,asasada dadaalkeedu miradhalay ee iftiin.
Markiiba ardayda iftiin soo dhaweyn sikadisa maamulka iskoolaadu uu usoogaarsiiyay waxay bilaabeen is abaabul maadaama ay utahay maalin qaaliya oo ay lakulmaayan aas aasaha mu,asasada hormarinta waxbarashada ee iftiin waxay sidiiran ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada cadaado iyagoo halkaasi soo dhaweynta uga soobilaabay intaa oo kaliya kuma aaney ekeyn soo dhaweynta ardayda ee waxay abaabuleen xaflad diiran oo ay kusoo dhaweynayaan aas aasayaasha mu,asasada iftiin waxaana ay xafladaasi kadhacday xarunta kafaalo ee magaalada cadaado waxaa kasoo qeyb galay arday farabadan maamulayaal iskool gudiga waalidiinta iftiin iyo agaasimaha mu,asasada hormarinta waxbarashada iftiin iyo madaxda soo dhaweynta loo sameeyay ee socdaalka cadaado kusoo gaaray.
sidookale munaasibada waxaa kasoo qeybgalay ardayda jaamacada simad xarunteeda cadaado oo mu,asasada iftiin sanadkii 2015 dadaal ay sameysay ay kuguuleysaty in ay cadaado xarun kafurato
ardayda oo munaasibada kasoo jeediyay gabayo,heeso,baraanbur ay dhamaan siwada jira ugu soo dhaweynayaan aas aaska mu,asasada iftiin gobolada dhexe
waxaakale oo goobta kahadlay xubno kuhadlayey magaca gudiga waali diinta iftiin waxaa ayna sheegaen in wax lagu mahdiyo ay tahay didaalkii dhowr sano kahor bilowday ay maanta mira dhalkiisa ay hayaan isla markaana ay bilowgii mu,asasadaan ay dhib badan kala kulmeen howlgalinteeda deeganada gobolada dhexe isla markaana ay iftiin tahay kuwa waali diinta ubaxooda mugdiga kala soosaaray.
agaasimaha mu,asasada hormarinta waxbarashad ee iftiin maxamuud maxamad jaamac ilkacase ayaa sheegay in ardayda iftiin sanadkaan ay kaalin wey kaqaateen samata bixinta dadka abaaruhu saameeyeen islamarkaan ay iskoolada iftiin qeybaha cadaado ardayda dhigatay ay iska aruuriyeen 49aal kiish oo arday walba sadex kiilo oo raashina uu keeney deeqdaasi ayuu sheegay in sideg deg ah loogu wareejin doono dadka abaaruhu saameeyeen.
cismaan macalin xasan geele oo kamida aas aasyaasha mu,asasada hormarinta waxbarashada iftiin ayaa ardayda ku dhiira galiyay in ay wixii ay barteen ay baraan dadka walaalohooda ee aan waxbarashada awoodin.
cismaan ayaa sheegay in ay bilowgii dadaalkaan maanta miradhalay ee lagu aas aasay mu,asasadaan in ay dhib farabadan kala kulmeen iyo dadka deegaanka oo kasoo horjeestay dadaalka.
iftiin ayaa hada kudhawaad 10 iskool oo dugsi hoose ilaa iyo iyo dugsi sare kuleh gobolada dhexe ee dalka waxaana aas,aasayaasha mu,asasadaan ay mira guranayaan dadaalkaas miradhalay ee iyagu bilowga ay u ahaayeen.

DSC02712 DSC00839 DSC02717 DSC02719 DSC02720 DSC02721 DSC02722 DSC02724 DSC02727 DSC02732 DSC02736 DSC02737 DSC02740 DSC02741  DSC02744DSC02750 DSC02753 DSC02754 DSC02758 DSC02761 DSC02763 DSC02766 DSC02767 DSC02770 DSC02771 DSC02776 DSC02783 DSC02788 DSC02778 DSC02795 DSC02798 DSC02803  DSC02799

DSC02806

DSC02813 DSC02820

DSC02833DSC02830 DSC02834 DSC02836

W/Qorey: Abdisalan Duceysane