Weeraryahanka kooxda Fenerbahce Robin van Persie ayaa lagu soo waramayaa inuu hal sanno ka maqnaanayo garoomada ka dib markii uu dhaawac jilibka kasoo gaaray intii lagu jiray waajibaad xulkiisa.
Xiddigii hore ee Arsenal iyo Manchester United ayaa ku soo laabtay Netherlands markii ugu horeysay labo sano isbuucii hore.
Si kastaba ha ahaatee, 34 jirkaan ayaa ciyaaray kaliya nus saac kulankii ay kooxdiisa 4-0 uga badisay France, waxaana mustaqbalkiisa uu u muuqdaa mid halis ah.
Sida laga soo xigtay BeIn Sports Van Persie ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado muddo 12 bilood ah ka dib markii uu ku dhaawacmay tababarka.
Xiddiga reer Holland, oo Fenerbahce kaga soo biiray United sannadkii 2015, ayaa dhaawacyo badani soo gaaray xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay.
W/Q Hafsa Haji