Riyad Mahrez Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Leicester City

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Leicester City Riyad Mahrez ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda markii ugu horeysay tan iyo markii maalintii ugu danbeysay uuqa kala iisiga ay kooxdiisa u diiday inuu ku biiro Manchester City.

Mahrez ayaa doonayay inuu ka tago King Power Stadium islamarkaana uu ku biiro Man City, iyadoo la fahamsan yahay inay sameysay afar dalab, oo kii ugu danbeyay uu ahaa £ 65milyan.

Si kastaba ha ahaatee, Foxes ayaa lagu soo waramaayay inay dalbaneysay qandaraas qiimihiisu yahay £ 95m, waxaana ay diideen  qiimaha ay ku doonaysay Man City t.aasoo sababtay in ay ka baxaan wadahadalada.

Mahrez ayaa tan iyo markaa wax tababar ah qaadan, isagoo sheegay in Leicester ay jabisay ballanqaadyo ah inay u ogolaadaan inuu ka tago kooxda, islamarkaana Claude Puel ayaa Isbuucaan ka saaray kulanka Sabtida ay wajahayaan Man City.

Si kastaba ha ahaatee, xidiga xulka Algeria ayaa haatan diyaar u ah inuu Leicester uu tababarka la qaato, isagoo dib ula midoobay saaxiibadiisa tababarka Jimcaha.

Mahrez ma uusan ciyaarin Leicester tan iyo 20kii Janaayo, laakiin waxa uu dhaliyay sideed gool iyo todobo caawin  24 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan