Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Walaac Ka Muujiyay Ammaanka Sii Xumaanaya Ee Dalkaasi

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in xukuumaddu ay samayn doonto wax kasta oo suurtagal ah si ay u xakamayso ammaanka sii xumaanaya ee dalka oo dhan.

Desalegn oo la hadlay warbaahinta ayaa tacsi u direy qoysaska dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka nabadgelyo darrada

Bayaankiisa ayuu sidoo kale ku xaqiijiyay in dawladdu ay bilawday baaritaan lagu sameeynayo dhibaatada iyada oo la hubinayo in dadka mas’uul ka ah falalka xasilooni darrada sharciga la horkeenayo.

Dhacdooyinka rabshadaha ee jaamacadaha dalkaasi ka dhacay ayaa waxaa ku nafwaayay arday tiro badan. Taas oo keentay in bilayska iyo ciidanka loo diro xarumaha halkaa oo tiro jaamacado ah ay joojiyeen daraasadihii. Halka uu wasiirka Waxbarashada sheegay in ay tahay dhibaato siyaasadeed oo ay sameeyeen dad dawlada-kasoo horjeeda.

Toddobaadkii hore magaalada Chelenko ee gobolka Oromia ee bariga Hararghe Zone, lix iyo toban qof ayaa lagu soo warramey in lagu dilay markii ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen dad dibadbaxayaal ah oo ka mudaaharaadaya dhimashada qof iyaga ka mid ah.