Ciidamada Puntland oo xiray Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Golis

Wararka Maanta

Ciidamada Puntland ayaa maanta albaabada isugu dhiftay xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Golis, xarunteeda magaalada Garowe.

Ciidamadan xiray xarunta shirkada Golis ayaa ah ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan xiritaanka shirkada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xiritaanka shirkada Golis ay salka ku heyso markii maamulka shirkada ay diideen inay bixiyaan lacago canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/llaahi Cumar Camey ayaa la sheegay inuu bixiyay amarka lagu xiray Shirkadda Isgaarsiinta Golis.

Maamulka Shirkada Golis ayaa wali ka hadlin xiritaanka xaruntooda Garowe, waxaana lagu arkayay xarunta ciidamo ku sugnaa xarunta oo diidayay in la galo, lagana soo baxo xarunta.

Comments are closed.