Mid kamid ah Ergadii ka qeybgashay Doorashada Cadaado oo Muqdishu lagu dilay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Koox hubeysan ayaa saaka aroortii ku dilay Cabdi Maxamed Jimcaale Koryeeri oo ka mid ahaa Ergadii Cadaado Xildhibaanada ku doortay xaafadda Carafaat ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa da’diisa lagu qiyaasay 65 sano, wuxuuna ka mid ah ergadii doorashada Cadaado ku matalayey beesha Saruur Habargidir, waxuuna dhawaan ku laabtay magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdi Koryeeri ayaa barqanimadii maanta lagu aasay qabuuraha Barakaat degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana loo maleynayaa in ay dilkaan ka dambeeyaan ururka Alshabaab.

Alshabaab ayaa ugu hanjabay in ay beegsan doonaan goobaha doorashada iyo dadka ka qeybgalaya.

Comments are closed.