Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Qaraxaani ayaa waxa uu ka dhacay Inta u dhaxaysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdishao, waxaana qaraxaani uu ahaa mid loo adeegsaday gaari.

Khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaani ka dhashay weli lama xaqiijin waxaase wararka ku heleynaa in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxaani.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray durbadiiba ciidamada amaanka waxa ayna xireen wadooyinka galla halka uu qaraxa ka dhacay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaani uu ahaa mid kol sii horeysay lagu dhajiyay gaariga qarxay, waxaana aaga uu qaraxaani ka dhacay isla todobaadkaani ka dhacay qarax kale oo loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray maqaaxida The Village.