Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland waa goordhow ka bilaabanaysa doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi.
- ilaa 32 Musharax ayaa u taagan doorashadan, waxaana 21 u tartamayaan kursiga Madaxweynaha 5 sano ee soo socota, sidoo kale 11 Musharax ayaa u taagan Jagada Madaxweyne ku xigeenka.
- Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xalay kusoo biirtay tartanka Doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana xog aan helnay tilmaamaysaa in Madaxda Dowladda Federaalka taageereen Musharrax Maxamuud Khaliif Jebiye.
- Puntland oo la asaasay 1998-dii, ayaa illaa iyo hada doorashooyinka u qabsanjirtay hanaan ku dhisan nidaam qabiil, oo lagu soo xulo Baarlamaan ka kooban 66xubnood, waxaana doorasho walba dhacday iyadoon aysan jirin faragelin muuqata.
- Intii ay Puntland soo jirtay waxaa kursiga Madaxweynaha ku guuleysanayey shaqsi kasoo jeeda beesha Maxamuud Saleebaan (Cumar Maxamuud, Cismaan Maxamuud, Ciise Maxamuud). sidoo kale kursiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa inta badan ku guuleysta shaqsi kasoo jeeda Beesha Dhulbahante.
- 5 Musharax ee ugu cad cad oo loo maleynayo in ay ku guuleystaan kursigan waa : 1. Maxamuud Khaliif Jabiye 2. Cali Xaaji Warsame 3. Faarax Cali Shire 4. Cabdi Faarax Siciid Juxa 5. Siciid Cabdullaahi Deni
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com