Galmudug oo Warbaahinta Cadaado ku amartay inaysan tabin warar aysan ogayn Madaxtooyadu

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug kuna socota Warbaahinta kala duwan ee ka howlgasha Deegaanada Maamulkaas ayaa lagu amray inaysan Warbaahintu tabin warar lid ku ah Maamulka Galmudug Wariyaasha ka howlgala Cadaadoo oo maanta looga yeeray Xarunta Madaxtooyada oo laga hadlay arimo badan ayaa ugu danbaytii gacanta laga galiyay Amarkaan.

Tilaabbadaan ayaa laga la sheegay in ay dabo socoto Amarkii Madaxwaynaha Galmudug ee 30/9/2017 kaas oo Xaalad deg deg ah oo mudo Sadex Bil ah Dhamaan deegaanada Maamulka Madaxwayne Xaaf.Hadalka kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri’ Maadaama ay Warbaahintu tahay kaalinta ugu wayn ee wax dhista waxaa laga doonayaa in aysan Faafin warar lid ku ah awaamiirta ay bixinyso Dowlad Goboleed Galmudug waxaana laga xariirayaa wixii war ah ama ilo wareed ah oo ku Saabsan Galmudug Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Mohamed Cabdi Adan.

Wareegtadaan ayaa imaanaysa ayagoo uu wili taagan yahay Khilaafka Madaxda sare ee Galmudug tan iyo wixii ka danbeeyay markii Madaxwayne Xaaf taageeray Sacuudiga iy Imaaraadka Dowladda dhexe oo go’aankaa ka carootay ayaa lagu ee deeyay inay gadaal ka riixaysay Xildhibaanadii sheegay inay Xilka ka qaadeen Xaaf

Hoos ka Akhriso Wareegtada