ONLF oo ka hadashay isbadelka Hoggaanka ismaamulka Soomaalida

Wararka Maanta

Ururka ONLF ayaa wuxuu ka hadlay magacaabista Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar  iska casilay xilkii uu hayay, wuxuuna xilkaasi ku wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ahaa Wasiirka Maaliyadda. ONLF ayaa ku tilmaamay in isbedelkan uusan waxba soo kordhineyn.

C/qaadir Xasan Hirmooge Cadaani Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay isbedelkan inuu ku yimid awood Millatari, sidaasi darteedna uusan soo kordhineyn wax weyn.

“Kolley ma qabo iney wax soo kordhineyso middan, sababtoo ah waxay ku timid cadaadiskii Milatariga, shaqsiga xilka qabtayna wuxuuba ka mid ahaa raggii wasiirada ka ahaa maamulkii Cabdi.” Ayuu yiri Hirmooge.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa waxa ay qabaan hadii uu isbedel ku yimid hoggaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya in xaalada deganaansho ah la geli doono.

Sidoo kale Xaalad qasan ayaa wali ka taagan Magaalada Jigjiga, iyadoo shalay galinkii dambe ay soo galeen magaalada ciidamo milatariga itoobiya, xaafadaha qaar ayaa wali rabashado ka socdaan.