Dhageyso: Ciidamada itoobiya oo xiray Cabdi Maxamuud Cumar

Wararka Maanta

Madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu soo waramayaa in ciidammada militariga federaalka itoobiya ay u kaxeysteen dhinac magaalada Addis Ababa.

Illo ku dhow dhow maamulka ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamadan ay saakay isku geedaameen guriga Cabdi Maxamud Cumar. Talaabadan ayaa xiisad hor leh ka abuurtay magaalada Jigjiga.

Suldaan Cabdulkaahi Bashiir oo ka mid ah salaadiinta Soomaalida Itoobiya oo ku suggan Jigjiga ayaa sheegay in Madaxweynihii hore saaka ay kaxeysteen ciidamada itoobiya, isagoo intaa ku daray in xaaladda magaalada jigjiga ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

halkaan ka dhageyso codka Suldaanka.