Mareykanka oo Digniin u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Dalka Itoobiya ayaa Qoraal ay soo saartay waxa ay digniin u jeedisay muwaadiniinteeda Dalkaasi ku nool oo ah inay yareeyaan isu socodka iyo dhaq dhaqaaqa magaalooyinka dalka Itoobiya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Ethiopia ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lugaha la galay dagaalo, loona baahanyahay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan taxadar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Ugu dambeyn War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Ethiopia inay si dhab ah u qaataan bayaanka ka soo baxay safaaradda, ayna dib ugu laabtaan Dalkooda Mareykanka.