Muxuu ka dhigan yahay Isfahamka Madaxda Galmudug ku gaareen Muqdisho?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxda Galmudug ayaa sheegay in isfaham ku gaareen Magaalada Muqdisho, Waana arin rajo galisay shacabka Galmudug, Madaxweyne Farmaajo ayaa garwadeen ka ahaa dadaalada lagu heshiisiinaayo Madaxda Galmudug.

Ma jirin Qodobo la shaaciyey in lagu heshiiyey iyo Sidoo kale Ma jirin habraac lagu hagayo fulinta oo la soo bandhigay, arintaas ayaa dadka siyaasadda u dhuundaloola shaki ku beertay, Sidoo kale Ahlu Sunna ayaanan wali cadeyn mowqifkooda isfahamkan ay gaareen Madaxda Galmudug, Waxaana horey loo soo arkay Madaxda Galmudug oo inta gacmaha is qabsaday yiri waan heshiinay haddana is khilaafay muddo kadib.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweyne Farmaajo ku yiri  : “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”

Nuxurka isfahamka ayaa ahaa waan heshiinay, Ujeedada ugu muhiimsan waxa ay aheyd sidii Madaxweynaha Galmudug uga qeybgali lahaa shirka Brussels oo isniinta 16 July 2018 ka furmaya halkaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa diiday inuu shirkaas ka qeyb galo hadii aan la xalin khilaafka Madaxda Galmudug, sidoo kale Xaaf ayaa arintaan garab kaga heystay Madaxda maamul goboleedyada.

Dhab ahaanshaha heshiiska Madaxda Galmudug ayaa kala cadaan doona Marka laga soo laabto shirka Brussels oo ku beegaan isbuuc kadib. Galmudug ayaa noqotay Maamulka ugu khilaafka Badan Maamulada dalka ka jira, waxaana ku loolamaya Awoodo kala duwan sida Dowladda Federaalka, Madaxda Galmudug, Beelo,  ururo iyo kooxo siyaasadeed.