Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta la dooranayo

Wararka Maanta

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa in maanta lagu doorto magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya. Waxaana ku loolamaya ilaa 11 Musharax.

Musharaxaiinta xilkan u tartameysa ayaa waxa ay kala yihiin:

  1. Ibraahim Isaaq Yarow,
  2. C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),
  3. Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali),
  4. Saalim Caliyow Ibrow,
  5. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe),
  6. Idiris Cabdi Dhaqtar,
  7. Shariif Sheekhunaa Maye,
  8. Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal,
  9. Shariif Maxamed Cabdalla,
  10. Maxamud Macalin Yaxye
  11. Iimaan C/laahi Nuur.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa sheegay in maanta ay dhaceyso Doorashada, ayna rajeynayaan in si wanaagsan ay ku qabsoonto.

Hotelada qaar ee Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu kala jiidanayo xildhibaanada Baarlamaanka, maadaama Doorashada keliya ay ka harsan tahay saacado qura.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay wadato Musharax ka mid ah xubnaha tartamaya, kaasi oo ah Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, balse waxaa laga dhawr sugayaa sida ay maanta wax u dhacaan.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo caawimaad ka helaya kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyay ammaanka wadooyinka hormara xarunta Golaha Shacabka oo Doorashada ay ka dhaceyso.