Musharax C/wali Garyare oo ka digay in Gudiga doorashadu ku been abuurtaan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharax C/wali Ibraahim Garyare ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebookga ku sheegay sidan:

fb_img_1481320520998-1

Farriintan ayey caawa iisoo direen guddida doorashada Galmudug. Sida ka muuqata magaca kursiga loo bixiyeyna, ma ahan mid aniga i quseeya, si taasi la mid ah ergada loo xareeyey kursigaasi ma ahan midii uu Ugaas Taakooy qoray, oo aan sida sharciga ah ugu tartami laheyn.

fb_img_1481320510960

Sidaasi darteed, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta ogeysiinayaa in haddii magaceyga beri laga dhex sheego xarunta doorashada, oo la yiraahdo ” Abdiweli Ibrahim Garyare” ayaa ka mid ahaa tartamayaasha, waa been aan laga xishoon, oo ay si ula kac ah u sameeyeen guddiga doorashada iyo madaxda maamulka Galmudug. Waxayna dariiqa u fureysaa in iyagana magacooda lagu been abuurto.

Guddiga doorashada qaranka iyo guddiga khilaaafaadka, ee fadhigooda yahay Muqdisho waxaa laga doonayaa inay marqaati ka noqdaan isdaba-marintaasi aan geedka loogu soo gaban. Mana aqoonsan doono wixii natiijo ah ee kasoo baxa doorashadaasi beri dhaceysa.

Shahaadada musharaxnimo ee aan heysto magaca ku qoran ee muujinaya kursiga aan u socdo iyo farriinta caawa la iisoo diray, ee magaca kursiga kale lagu sheegayo ayaa muujineysa heerka uu gaaray musuqa guddiga halkan jooga, ee ma markii ay shahaadada isiinayeen ayey qaldanayeen mise caawa oo magac kale la yimaadeen ayey qaldan yihiin? Bal adba!!.

Ugaas Taakooy iyo musharixiinta kala ah Abdilahi Yusuf Ali, Ali Badel iyo Adam Hajji Hussein, waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadli doonaa beri. Haddii alle idmo.