Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iyo qaar ka mid ah xildhibaano federaalka ee dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Cadaado, waxaana garoonka diyaaridaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo qaar ka mid ah wasiirada Galmudug, Wafidga ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada Galmudug.
Mr. Guuleed ayaa ka soo qeybgalay shirkii Madasha Hoggaanka Qaran oo shalay ku soo gabangaboobay magaalada Muqdisho, waxaana safarka ku wehliyey qaar ka mid ah xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Magaalada Cadaado, sidoo kale waxaa la filayaa in beri ay magaalada Cadaado soo gaaraan xildhibaanada haray, iyagoo munaasabad loogu qaban doono dhammaan xildhibaanada Cadaado loogu doortay ka hor 14 bishan oo ay Muqdisho ku laaban doonaan.