Cabdishakuur Cali Mire oo maanta lagu doortay Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Kuxigeenkii Hore ee Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire ayaa ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado.

C/shakuur Cali Mire ayaa ku guuleystay 49 cod kursiga 35-aad Beesha Mareexaan/ Ilmo Adeero, halka musharixii kale C/risaaq Cali Jaamac uu helay 2 cod, doorashada ka socota Cadaado ayaa waxaa haray 1 kursi oo ah kursiga Beesha Waceysle/Marooyin, iyadoo la filayo in goordhow la soo afmeero doorashada aqalka hoose.

Dhanka kale waxaa magaalada Cadaado ku soo qulqulaya xildhibaanada cusub, waxaana la qorsheynayaa in caawa xaflada loogu sameeyo xarunta Madaxtooyada dhammaan xildhibaanadii Cadaado lagu doortay.

Magaalada ayaa waxaa laga dareemayaa in ay yaraatay saxmadii dadka, kadib markii ay dib u laabteen intii badneyd ergadii ka qeybgashay codeynta doorashada ka socota doorashada.

img_1375 img_1378 img_1381 img_1385 img_1387 img_1397 img_1404 img_1414 img_1415 img_1417 img_1430 img_1432 img_1436 img_1450 img_1452 img_1464 img_1472 img_1479