Murashax madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur oo soo gaaray Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharax madaxweynaha Soomaaliya 2016 mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug.

Madax iyo taageerayaal ayaa murashaxa ku soo dhaweeyey duleedka magaalada, waxaana loo soo galbiyey madaxtooyada Galmudug halkaas oo ay ku qaabileen madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi iyo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug mudane Cali Gacal.

Murashaxa iyo mas’uuliyiinta ayaa kawada hadlay arimaha doorashada, iyo sidii loo taageeri lahaa musharaxa, C/Shakuur ayaa kasoo jeeda Galmudug.

Waa markii ugu horeysay ee musharax C/raxmaan soo gaaro magaalada Cadaado tan iyo intii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa.

Mr. Warsame ayaa horey jagooyin sare uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waana qurba joog ka yimid dalka Uk, wuxuuna waqtiyadii dambe la shaqeynayey UN-ka.

fb_img_1475611865324 fb_img_1475611843678 fb_img_1475611839828 fb_img_1475611834742 fb_img_1475611829466 fb_img_1475611824292 fb_img_1475611818424

Comments are closed.