Magaca iyo Calanka Maamulka Cusub ee Hiiraan iyo Sh.Dhexe

Wararka Maanta

Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa isku raacay magaca uu yeelanayo maamulkan in uu noqdo HirShabeelle oo ah magac labada gobol u taagan.

Sidoo kale waxaa Ergada meel mariyeen calanka uu yeelanayo maamulka oo midibkiisu yahay qeyb calanka buluuga ee dhexda xidigta ku leh, doog cagaaran oo wehliya geed iyo wabiga.

calanka

Munaasabad lagu wado in maalinta khamiista ka dhacdo magaalada Jowhar ayaa lagu shaacinayaa magaca iyo astaanta calanka, kaddib markii maanta Ergadu ay ansixiyeen cutubyo ka mid ah qabyo qoraalka dastuurka oo ay ka mid ahaayeen Xarunta Maamulka, astaan calameedka iyo magaca uu yeelanayo maamulka.

Ergada ayaa gelinkii hore ee maanta isku raacday in xarunta ama caasimada maamulka labada gobol uu noqdo Magaalada Jowhar, waxaana tani meesha ka saareysaa wareegtadii Madaxweynaha ka soo baxday bishii December ee sanadkii hore oo ahaa xarunta maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay tahay Buulo Burde.

 

 

Comments are closed.