Wasiir A/Gudaha :" Waa in shuruud la'aan loo joojiyaa colaaadda Galkacyo"

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebookga ayaa baaq nabadeed u diray labada maamul goboleed Puntland iyo Galmudug in ay joojiyaan colaadda Galkacyo.

Shalay iyo maanta ayaa magaalada Galkacyo ciidamada laba maamul ku dhexmaray dagaalo goos goos ah, kuwaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan dadkii daganaa ka barakaceen xaafadda Garsoor ee galbeedka Magaalada Galkacyo.

14595635_858292930937335_7987895642199886870_n

Qoraalaka wasiirka ayaa u qornaa sidan :” Waxa ay aheyd sanad ka hor markii madaxda Soomaaliyeed ay isugu tageen magaalada Gaalkacyo si loo nabadeeyo, Wax la aqbali karo ma ahan in mar kale sanad ka dib dagaal loo horseedo magaalada, Ree Gaalkacyo adinka ayaa walaalo ah ee nabadda ka shaqeeya isuna sabra, Labada maamul xabadda shuruud la’an ha ku joojiyaan”.

Dhankale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidan oo kale baaq u diray Labada maamul, waxaana sanadkii hore dhamaadkii Galkacyo ka dhacay dagaal culus,inkastoo aysan jirin heshiis rasmi ah oo labada maamul ka gaareen colaada Galkacyo.

Comments are closed.