Safaarada Soomaaliya ee Hindiya oo madax furasho u haysata Maxaabiista ku xiran dalkaasi

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maalmahan la isla dhexmarayey in dil lagu xukumay 50 ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Hindiya, maxaabiistaan ayaa tiradooda guud lagu sheegay 119 rag ah, Si aan arintan wax uga ogaano ayaan isku daynay inaan xiriir la sameyno qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran dalka Hindiya.

xukun-dil-soomaali-india

Maxaabiista aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in aysan jirin dad la xukumay, balse 30ka bishan la filayo in la xukumo maxaabiista, waxaana suurta gal ah in dil lagu xukumo Maxaabiistii horey u qiratay dambiyo in a galeen.

Mid ka mid ah Maxaabiista ayaa inoo sheegay ” 6 bilood ka hor waxaa inoo timid Safiiradda Soomaaliya u fadhisa dalka Hindiya Abyan Maxamed Saalax, waxa ayna nagu qalqaalisay inaan qirano dambi burcad badeed, iyadoo inoo sheegtay in ay na garab joogto, sidaas ayaan dambi been ah ku qiranay, markii aan qiranay waa nalooga baxay balantii aheyd in dalkeena nagu celin doono, Waxaana nagula amray in qofkii bixiya  3000 dollar howsha loo fududeyn doono, qofkii bixin waayana in dil ama xabsi dheer lagu xukumayo”.

Maxaabiista ayaa intaa ku daray in Safaarada iyo Qareenada dalka hindiya ay xariir ka dhaxeeyo, ayna doonayaan in Madax furasho u heystaan ilaa inta ay bixinayaan lacagta laga doonayo, Maxaabiistaan ayaa ku nool nolol adag, loomana ogola in ay dadkooda la xariiraan, waxa ay si qarsoodi ah mar mar u isticmaalaan taleefanada gacanta, Maxaabiistaan ayaa intooda badan ka soo jeeda  Deegaanada Dowlad goboleedka Galmudug, Waa murugo in Safaaradii Soomaaliyeed ee garabka u noqon laheyd ay madax furasho u haysato wiilashaas Soomaaliyeed,

Tagged

Comments are closed.