MUCAARADKA AAN HUBAYSNEYN WAA QEYB DOWLADDA KA MID AH.

Wararka Maanta

MUCAARADKA AAN HUBAYSNEYN WAA QEYB DOWLADDA KA MID AH.

Dhaliilaha xildhibaannada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda ha loo fahmo horumarka hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Dowladdu waxa ay soo martay xilli aan wasiirradeeda la aqoonin ba -sida dowladdii Cabdiqaasim- iyo xilli laga baqayo in xil laga qabto ama loo shaqeeyo- sida xilligii Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif.

Doorashadii 2012, waxa ay suuq u yeeshay jagooyinka dowladda, 2017 ayuu suuqaasi sii xoogaystay.
Kooxda Farmaajo ayaa guulaysatay 2017, mucaaradkeedu in ay noqdaan kuwii ay ka guulaysteen waa wax la filayay, maxaa yeelay in ay soo ceshadaan kursigaas ayaaba ka go’an.
Oo ma in ay taageeraan xukuumaddan ayaa laga filayay? waa maya!

Mucaaradnimadaas ma ceeb ayay ku leeyihiin? Aragtidayda waa maya.

Kursiga Madaxtooyada iyo jagooyinka xukuumadda kaliya la iskuma wareejiyo ee sidoo kale boosaska mucaaradnimadana waa la isku wareejiyaa.

Tusaale, Salaad Cali Jeelle iyo Tarsan oo shalay mucaarad ku ahaa dowladda -waliba aflagaadayn jiray madaxda qaar- maanta dowladda ayay difaacayaa.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo Daahir Amiin Jeesow oo dowladdii hore mucaaradsanaa ayaa xukuumadda difaacaya hadda.
Dhinaca kale, Xildhibaan Mahad Salaad iyo Odawaa oo wasiiro ka ahaa xukuumaddii hore ayaa hadda mucaarad ah ama xukuumaddaan dhaliilsan.

Filan waa ilama ahan aniga, laakin waxaan u arkaa dhaqanka siyaasiga iyo siyasaddaba in ay sidaas yihiin.

Warka waan badiyay, waxaanse uga gol leeyahay in hardanka siyaasadeed ee jagooyinka dowladda dhexdeeda ah loogu jiro aan lagu qaldin waajibka wayn ee naga saaran difaaca dalkeenna iyo dadkeenna.

W/Qorey: Yusuf Sh Isse