Faafaahin Qaraxii Isgoyska KM4 Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo saaka barqadii ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob ku dhow Bar koontarool oo Ciidamada Amniga ku hubiyaan gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli gaadiid badan ay saf ku jireen, halka kuwa kalena ay wadada marayeen, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray dadka wadada marayay ee gaadiidka saarnaa iyo goobo ganacsi ku dhowaa.

Illaa iyo hadda lama haayo tiro rasmi ah oo ah khasaaraha, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in tiro dhimasho ah ay jirto, halka dhaawaca ay gaarayaan illaa 10 ruux.

Wariyeyaal isku dayay inay goobta tagaan, si ay khasaaraha u soo tabiyaan ayaa laga soo eryay, iyadoo qaarkood rasaas lagu riday, waxaana horay u jiray amar Hey’addaha amniga ka soo baxay oo ahaa in Wariyeyaasha aanay imaan karin goobaha qaraxyada ka dhacaan, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen in dowladdu ay qarineyso in la soo bandhigo  qarineyso khasaaraha rasmiga.

Gaadiidka ku qarxay agagaarka Isgoyska Km4 ayaa waxay su’aal laga keenayaa sida uu goobtaas ku soo gaaray, iyadoo jidad badan oo magaalada ka mid ah la xiray, isla markaana Ciidamada ay Koontaroolo badan ku leeyihiin gudaha iyo daafaha magaalada ah.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha Amniga oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo muuqaalo la soo geliyay baraha bulshada ay muujinayaan burbur iyo halka qaraxa ka dhacay oo ka baxayay Qiic iyo olol.

Xigasho: Jowhar News