Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran gaadiidkana loo diidayaa inay ka gudbaan, waxaana wadooyinka xiran cidamada dowladdaFederalka Somaliya.
Isgoysyada ay ka soo gudbaan gaadiidka ee wadada wadnaha ayaa gabi ahaanba xiran oo gaadiidka iyo mootooyinka waxaa loo diidayaa inay ka soo gudbaan.
Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in wadooyinkaan la xiro, balse muddoyinkii dambe ayaa Magaalada Muqdisho waxaa joogto ka noqotay xirnaanshaha wadooyinka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya sababaha loo xiray wadada inay tahay arrimo ku aadan cabsi ka jirta Magaalada Muqdisho oo gaadiid qaraxyo ah.
Saraakiil ka tirsan kuwa reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada ayaa soo saaray digniin ku aadan suurtagalnimada weeraro ka dhaca Magaalada Muqdisho gudaheeda.