Mooshin laga keenay Wasiir Yuusuf Garaad

Wararka Maanta

Illaa 12 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar si wax looga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharci Lr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.

Qodobadda Yusuf Garaad lagu heysto waa awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda, waxaa kale oo wax laga weydiin doona shuruudaha laga doonayo diblomaasiga dibadda loo dirayo.

Su’aalaha La Doonayo in Yusuf Garaad Ka Jawaabo:

  1. Qorshaha fulinta ku dhaqanka sharciga shaqada arrimaha dibadda Lr. 112
  2. In uu Golaha u caddeeyo muddada uu fulinayo qorshihiisa

Hadaba, halkan ka akhriso, qodobada wax laga weydiin doono Yusuf Garaad:

Qodobka laad:  Sarnaynta  iyo baabi’inta Ergooyinka  diblomaasiyadda iyo Qunsuliyadaha

  1. Ergooyinka diblomaasiyadda   iyo Qunsuliyadaha  waxaa lagu samayn karaa ama lagu baabi ‘in karaa   Go’aanka    Golaha   Wasiirrada   oo   cuskanaya   soo  jeedinta    Wasiirka   Wasaaradda Arrimaha   Dibedda  Iyo  Iskaashiga   Caalamiga  ah;  iyadoo  isla  markaana   sababaha  keenay sameynta   iyo  baabi ‘inta   lala  socodsiinayo Guddiga  Arrimaha  Dibedda  ee  Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliyeed,  isla markaana  lagu soo saaro Dekareeto  Madaxwaynaha Jarnhuuriyadda  Federaalka  ah.
  2. Magacaabista  Madaxa  Ergooyinka,  Qunsuliyadaha iyo Hawlwadeennada   Diblomaasiyiinta ah;  waa in la waafajiyaa  isku-dheelitirka  Habka Awood Qeybsiga Dalka.

Qodobka 3aad: Kamid noqoshada shaqaalaha wasaaradda

Muwaadinka   Soomaaliyeed   ee  doonaya  inuu  ka  shaqeeyo  Wasaaradda   Arrimaha  Dibada  iyo Iskaashiga  Caalamiga  ah waa inuu soo buuxiyo shuruudahan:

  1. Inuu yahay Soomaali; yaqaanana  Af-Soomaaliga  (Maay & Maxaa Tiri) hadal & qoraalba b.   Inuu ka diiwaan gashanyahay  Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Dowlada Rayidka ah,
  2. Haddii uusan kamid ahayn in la diiwaangeliyo
  3. d. In la hubsado  isagoo  lamarinayo  Hay’adaha   Qaranka  ee kushaqada  leh in aanu  dambi gelin,
  4. e. Hadii  aanu  ahayn  Xirfadle  ama  Shaqaalaha  hoose,  waa in aqoontiisu  tahay  ugu yaraan heer jaamacadeed,   islamarkaana   uu qoraal  iyo kuhadalba  si fiican u yaqaan  ugu yaraan mid ka mid ah afafka Carabiga, Ingiriiska iyo Faransiiska, In uu  dhimirkiisu   fiyowyahay,  jir  ahaan  iyo  iyo  lixaad  ahaanba  gudan  karo  howlaha diblomaasiyadda,
  5. In uu bulshada ku dhex leeyahay sumcad fiican,
  6. In uu ku guuleysto Imtixaanka  Qiimaynta   Wasaaradda,  iyo
  7. In uusan   leheyn   wax   balwo   ah  ee  wax   u  dhimi   karta   sharaftiisa   ryo  gudashada waajibaadkiisa  Qaran.

Qodobka 4aad: Shuruudaha  diblomaasiga dibedda loo dirayo

Diblomaasiga  dibedda loo beddelayo  waa inuu buuxiyo shuruudahan:

  1. In  uu   buuxiyay   shuruudaha   kamid   noqoshada   shaqaalaha   Wasaaradda   ee  kuxusan Qodbka 3aad:
  1. 2. In uu ugu yaraan laba sano ka shaqeeyay xarunta Wasaaradda,
  2. In  aqoontiisu  tahay  ugu  yaraan  heer jaamacadeed,  ama  khibrad  dheer  oo  u  dhiganta, islamarkaana  akhlaaqiyaadkiisa, kartidiisa  iyo Soomaalinnimadiisa lagu kalsoonyahay,
  3. Danjirayaasha   Magacaabid  Siyaasadeed  (Political  Appointees)  ku yimaada  waa inay ugu yaraan  Laba  bilood  xarunta  ka  howl  galaan,  si  ay u  bartaan  shaqada  Wasaaradda   iyo waaxyaheeda, xilka iyo waajibaadka  laga rabo, iyo inuu helo macluumaadka  siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale ee dalka loo magacaabay;
  4. Shakhsiga   xilka  faqradda  4aad  ku  xusan  loo  magacaabayo,   waa  in  uu  xilal  sare  oo dawldeed hore u soo qabatay, waana in uu buuxiyo qodobka  3aad xarafaha  “a, e, f, iyo h” ee Sharciga
  5. Safiirka  iyo  diblomaasiyiinta   kaleba  waa  in  ayna  hal  dal  joogin   wax  ka  badan  afar sannadoood,  iyo
  6.  In uu qaato tababar  gaar ah (Tababarka  shaqada  diblomaasiyadda   dibedda-   “Diplomatic Foreign Service  Training”)   oo uu kuqaato gudaha ama dibedda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu horay u magacaabay illaa  3 safiir kuwaas oo kala ah: Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo Turkiga ah, CabdiraxmaanYuusuf Cali Caynte oo UK loo magacaabay iyo Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo qaramada midoobey ah, waa 10% oo madaxweynaha uu xaqa u lahaa in uu magacaabo.

Yusuf Garaad, wasiirka arrimaha dibadda J.F ee Soomaaliya illaa iyo hadda ma magacaabin wax safiir ah, waxaana la filayaa in uu isbadallo sameeyo bilaha soo socda, arrintaas oo beel walbo ay dooneyso in ay iska aragto si loo hubiyo awood qeysbiga 4.5.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Xigasho: Goobjoog