Isbitaalada Cadaado iyo Erdogan oo la mataaneynayo (Sawirro)

Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado ayaa shalay waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, wafdigaan ayaa waxaa kamid ah dhaqaatiir Turki ah, gaar ahaan maamulka Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) magaalada Muqdisho.

Madaxdan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado, waxaana ujeedada safarkaan ahaa, sidii loo mataaneyn lahaa labada isbitaal Cadaado iyo Erdogan.

Isbitaalka Erdogan ayaa kan Cadaado ka taageeri doonaa daawooyinka, Qaliimada dadka aan Cadaado wax looga qaban karin oo si bilaash loogu dabiibi doono Isbitaalka Erdogan iyo tababarka Shaqaalaha.

Wafdiga ayaa sidoo kale Isbitaalka Cadaado geeyey daawooyin, maamulka isbitaalka iyo Bulshada Cadaado ayaa aad usoo dhaweeyey arintaan.

Xildhibaan Saabir ayaa ka mid 4 xildhibaan oo Cadaado laga soo doorto, waxaana Muuqata inuu ka dhabeeyey balanqaadkii doorashada.

u-1 t IMG_6721 IMG_6719 i Capture IMG_6713