ciyaartoygii hore ee kooxaha West Ham, Chelsea, Manchester City iyo xulka England Frank Lampard ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba uu ka fariistay kubada cagta.
Lampard oo qarankiisa kasoo muuqday 106 kulan ayaa ka tagay kooxda New York City bishii November kadib markii uu ka dhacay qandaraaskiisa.
qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyay in uu ka fariistay waayihiisa kubada cagta, Frank Lampard ayaa ku guulaystay 11 koob oo waa weyn waxaan ka mid ah sedex horyaal oo Premier League,hal koob oo Champion League, afar FA Cups, labo League Cup iyo Europa League.
W/D Hafsa Haji