Maydka ruux la garan waayay oo lagu arkay Degmada Kaaraan

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Xaafad ka mid ah degmadaasi lagu arkay Meydadka Wiil dhalinyaro ah oo la garan waayay.

Meydka ayaa lagu arkay Xaafadda Nageyle ee Degmada Kaaraan waxaana la sheegay in uu yahay ruux dhalinyaro ah   oo xir xiran. Dadka degaanka waxa ay Risaala u sheegeen Ruuxa maydka ah in da’diisa lagu qiyaasay inay u dhaxeyso 30 illaa 20 jir, waxayna wararka intaasi ku darayaan in aanan la garaneyn.

Qof ka mid ah degaanka ee goobta tagay ayaa warbaahinta u sheegay “Maydka meesha ayuu yaalla waana uu xir xiran yahay, meelaha qaar jirka dab ayaa ka muuqda sidii qof in la gubay oo kale ah, anaga dadka xaafadda haddii aan nahay ma naqaan cida dishay iyo dadka meesha keenay, haa ciidanka waan u sheegnay waa ay yimaadeen markii ay fiir fiiriyeen maydkana waa ay isaga tageen, korkiisa dhan waa bararsan yahay maydka.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka. Ilaa iyo hadda lama Ogga waxyaabaha uu sababsaday qofkaasi iyo cidda dishay.