Diyaarad Hub siday oo ku degtay Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya

Wararka Maanta

Qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xaqiijiyay in diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka ay ku degtay degaan ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaraddaan ay tahay nooca qaada Hub, islamarkaana ay waday hub, mana Cadda cidda hubkaasi loo waday  maadaama Saraakiisha Ammaanka Kenya aysan faahfaahin ka bixin.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ayaa sheegtay Diyaaraddaan ay leedahay Sharikadda Black Water, islamarkaana ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah.

Sharikadda Black Water waa sharikad dhinaca Amaanka kala shaqeysa dowladaha iyo Ururrada sidda Tababarrada,Qalabeynta Ciidamada iyo howglallada qarsoodiga ah.

Diyaaraddan ayaa ku degtay meel duur ah waxaana sawir laga qaaday uu muujinaayay gaari nooca hubka qaada ah gees taagan iyo Askar.

Astaanta iyo Lambarka diyaaradda ayaa muujinaayay in laga leeyahay Mareykanka, islamarkaana ay adeegsato Shirkadda Black Water.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo cidda ay diyaaraddaasi hubka u siday, waxaana la sheegay meesha ay ku degtay in aysan joogin ciidamo.