Waxgaradka , Nabadoonada iyo Xildhibaanada Cadaado ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen ayey ugu baaqeen beelaha daga Galmudug in ay kasoo qeyb galaan gogosha looga tashano badbaadin Galmudug, gogoshaas oo ay sheegeen in ay ka fidsan tahay Magaalada Cadaado.
Waxgaradkan ayaa sheegay in Madaxdii Galmudug ay ururka Ahlu sunna gacanta u galiyeen Maamulkii Galmudug, iyagoo sheegay in gabi ahaanba la badalay dastuurkii ay wada dhigteen 11 beelood ee dhistay Galmudug. halkaan hoose ka daawo muuqaalka oo dhameystiran.
share garee