Galmudug: Laba daran mid dooro!!!

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Galmudug waxey noqotey mashruuc lagu danaysto. 44 Xildhibaan ee laga soo doortey waxa keliya ee xilligaan ku fikirayaan waa sidii Xildhibaan walba uu ku soo laaban lahaa 2020 ka.
Xuldhibaannada diidan warqada ka soo baxdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka, warqadaas uma diidana in ay sharci daro tahay iyo inkale, danna kama laha in Galmudug hagaagto iyo inkale, Madaxweyne Xaafna jaceyl gooni uma qabaan ee waxaa keliya ee dantoodu tahay in Madaxweyne Xaaf Galmudug sii joogo xilliga la soo xulayo Xildhibaannada cusub ee Federaalka 2020 oo waxey ogyihiin haddii ay Dowladda Federaalka geysato Galmudug, madaxweyne ay wadato in aysan dib u soo laaban doonin intooda badan ee mucaaradka ah.

Madaxda Dowladda Federaalkuna waxey doonayaan in Galmudug geystaan Madaxweyne iyaga taageersan oo u soo xula 44 Xildhibaan si korsiga ugu soo laabtaan. Galmudug dhaqankaas kuma cusba. 2016-kii qofkii Cadaado goobjoog ku ahaa baan markhaati u heystaa caddaalad daradii iyo dulmigii ka dhacey.

Haddaba Galmudug waxaa horyaal laba daran mid dooro. In Madaxweyne Xaaf oo xilligiisu ay ku egtahay 3 Juley 2019 sharci daro ku sii joogo oo Madaxweyne kuu sii sheegto iyo in Dowladda Federaalka qof maqaarsaar ah Galmudug keensato oo ay sidee doonaan ka yeelaan mustaqbalka Galmudug iyo doorashada 2020 dhici doonta.

Danta Galmudug waxey ku jirtaa in la helo labadaa arrimood mid ka duwan oo ah in doorasho xalaal ah dhacdo oo dadka deegaanka u madaxbanaan yihiin laakiin taa hadda ma muuqato.

Shey walba asalkiisa ayuu ku noqdaa 2015 raggii Galmudug maamulkeeda dhisey in 2016-dii Xildhibaanno ku soo saartaan bey u dhiseen maamulkaa ee in deegaankaa iyo dadka ku nool horumar gaarsiiyaan looma dhisin. Haddana 2020 yaa Madaxweyne ka ahaan doona oo Xildhibaannada Federaalka soo xuli doona ayey arintu taagan tahay.

Mustaqbalka Galmudug waa mugdi wuxuuna ku danbeyn doonaa khilaaf, laba maamul oo laba magaalo kala fadhiya, qabiil owr ku kacsi, colaad iyo isjiid jiid aan dhamaad lahayn.

W/Q: Ilyaas M. Xuseen