Koofur Galbeed oo soo dhaweysay in Mukhtar Robow laga saaray Liiska Argagixisada

Wararka Maanta

Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka dowladda Mareykanka ee loogu saaray liiska Argagaxisada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaliya.

Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu yahay shaqsi dhex-dhaaxd islamarkaana jecel dalkiisa iyo dadkiisa balse ay marin habaabiyeen hogaamiyayaasha sare iyo Xarakada Al-shabaab.

“Qoraalka ku aadan in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagaxisada, waxaan ku aragnay baraha bulshada, dabagal ayaan ku saameenay waxaa noo cadaadatay in liiska Argagaxisada, laga saaray, runtii Roobow wax dhibaato ah oo haatan la sheegi karo kuma haynin deeganada Maamulka koonfur Galbeed soomaliya, waa shaqsi aad u jecel dadkiisa iyo dalkiisa waana soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Mareykanka”, ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed.

Abu Mansuur ayaa kamid ahaa hoggaamiyaasha al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyaa in uu masuul ka ahaa dad badan oo Soomaaliyeed oo lagu diley dagaalo uu hoggaaminaayey iyo amaro uu bixiyey. Muddo dheer ayuu baxsad ka ahaa al-Shabaab waxaana la aaminsanaa in uu ku noolaa goobo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed oo uu la yeeshay wada shaqeyn hoose.