Maxamed Axmed Diiriye oo loo magacaabay mareeye ku xigeenka Dekada Muqdisho

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gudoomiye ku xigeenkii hore gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) u magacaabay Mareeye ku xigeenka Dekada Muqdisho.

FB_IMG_1494268238126

Maxamed Axmed Diiriye ayaa dhawaan laga qaaday gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, waxaana siyaasigan dhalay Nabadoo Axmed Diiriye Cali Afhayeen Odayaasha beelaha Hawiye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya inuu qanciyo beelaha qaar oo ka gadoodsan xilal farabadan oo si deg deg ah uga xayuubiyey.