Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Ee Jubbaland? (Akhriso)

Wararka Maanta

Shirka Golaha Wasiiardda Jubbaland ayaa maanta ka furmay Gurigga martidda ee magaalada Kismaayo waxaana Shir Gudoominaayey Madaxwaynaha dowllad Goboleedka Jubbaland Jubbaland.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa Golaha Wasiiradda uga warbixiyey Shirkii Golaha Iskaashiga ee dhawaan lagu qabatay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland iyo dadaaladii ugu danbeyeyey ee la Isugu soo dhawaynaayey dowlladda Federalka iyo dowlladaha xubnaha ka ah.

Dhanka kale waxaa Warbixinno lagga dhagaystay Qaar ka midda wasaaradaha Jubbaland sida Wasaaardda kaluumaysiga oo ka warbixisay shirkii lagu qabatay magaalada Munbasa ee looga hadlaayey Arimaha Kaluumaysiga halka wasaardahaQorshaynta iyo Waxbarshadda laga dhagaystay Warbixinno .

Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa Isaguna Kulanka Golaha wasiiradda ka Jeediyey warbixin ku Saabsan howl-galada Ciidamadda Jubbaland ay ka wadeen magaalada kismaayo iyo Guud ahaan Jubbaland