Doorashada Koofur Galbeed oo dib u dhacday

Wararka Maanta

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dib u dhacday muddo todobaad ah sida ku cad jadwal cusub oo goordhow soo saareen guddiga doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed.

Jadwalkan cusub ayaa tilmaamaya in doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed dhici doonto 5 December 2018, halkii horey loo qorsheeyey in ay dhacdo 28 November 2018. waa dib u dhicii labaad ee ku yimaada doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed.

halkaan ka aqrisho Jadwalka Cusub.