Maamulka Gobolka Hiiraan oo hay’adaha samafalka ka dalbaday gurmad deg deg ah

Wararka Maanta

Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu ku amray Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolkaas inay gurmad ka bilaabaan deegaannada ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Hay’adaha samafalka looga baaha yahay inay si deg deg ah gurmad u gaarsiiyaan dadka ka barakacay fatahaadaha ee ku sugan duleedka Magaalada Baladweyne gaar ahaan deegaanka Ceel-jaale.

Waxaa uu sheegay in dadka ku sugan deegaanka Ceel-jaale ee ah barakacayaasha aysan heysan waxyaabihii muhiimka u ahaa nolosha,waxaana Hay’adaha samaflka uu ku amray inay si deg deg ah halkaasi ku tagaan Hay’addii aan fulin amarka Maamulka ay la xisaabtami doonaan.

Deegaanka Ceeljaale oo ku yaalla duleedka Koonfureed ee Magaalada Baladweynee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilligaan ku sugan Boqolaal ruux oo ka barakacay fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle,kuwaas oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.