Maxaa ka cusub Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug ayaa wajahaysa duufaan siyaasadeed oo ka curatay Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, Waxaana shalay halkaas gaaray wafdi ka socda Dowladda Dhexe oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi M. Sabriye.

Imaanshiyaha Sabriye ayaa muujiyey kala jab ku yimid isbaheysigii Dhuusamareeb, waxaana Axmed Ducaale Xaaf shalay soo saaray in Wafdiga Dowladda Dhexe imaan karin deegaanada Galmudug, inkastoo amarkaas uu ka shaqeyn waayey Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa.

Wafdiga Dowladda ayaa la kulmay Madaxda Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, Waxaana u kala dab qaadayey Cabdi Samad Macalin Maxamuud, xog aan helnay ayaa sheegeysa in si hordhac ah wafdiga Dowladda iyo Ahlu sunna isla garteen in meesha laga saaro Xaaf, doorashana la qabto.

Sida aan Xogta ku helayno Dowladda ayaa Ahlu sunna u ogol:

  1. in Ahlu Sunna la siiyo lacag gaaraysa 3 Milyan oo Dollar, lacagtaas oo qeyb loo hormari doono hadda.
  2. in la siiyo 30% Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug, iyo xilal kale oo laga siiyo Galmudug.
  3. in Xilal dowladda Dhexe laga siiyo.

Dhanka kale Wafdiga Dowladda Dhexe aayan ilaa haddda la kulmin Xaaf, waxaana socda cadaadis Xaaf lagu saarayo in qeyb ka noqo heshiis socda. Dhanka kale ciidamo wata gaadiid dagaal oo ka yimid Gaalkacyo ayaa u gubday dhanka Dhuusamareeb, ciidamadaan ayaa la sheegay inay taageero u yihiin Xaaf, waxayna ku hakadeen duleedka Godinlabe.

Xaaf ayay suurtagal ah inuu aado Gaalkacyo, inkastoo siyaasiyiin kasoo jeeda Dhuusamareeb ay ku cadaadinayaan inuusan bixin.

Xaaladda siyaasadeed ayaa isku badali karta saacado gudahood, waxaana iska soo daba dhacaya warar is qilaafsan, wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com iyo baraheena bulshada Facebook & Twitter.

www.facebook.com/ceelhuurnews

www.twitter.com/ceelhuuronline