Senator Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) loogu doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Senator Qeybdiid ayaa kaga adkaaday Senator C/raxmaan Faroole codad dhan 6-4.

Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. C/raxmaan Faroole ayaa olole weyn ugu jiray qabashada xilkan, waxaana dadka qaar u saadaalinayay inuu ku guuleysanayo, balse si lama filaan ayaa looga adkaaday. Doorashada Guddoomiyaha Guddigan ayaa ah mid muhiim ah, marka loo eego Guddiyada kale ee dowladda.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa muddo badan ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya, isagoo soo noqday Madaxweynihii EX-Galmudug, waxaana lagu tilmaamaam ruug caddaa siyaasadeed, isagoo ka mid ah 8 senator ee Galmudug ku matala Aqalka sare.