Masuuliyiin Ka Tirsan Dowladda Oo Dhiigooda Ugu Deeqay Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Pizza Hause

Wararka Maanta

Waxaa haatan Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee Ex,Digfeer lagu dabiibayaa dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkii dhawaan lagu qaaday  Pizza Hause,kuwaas oo xaaladooda qaarkood laga deyrinayo.

Qaar kamid ah dadkaas ayaa waxa ay u baahdeen dhiig maadaama intii ay ku jireen goobta la weeraray uu dhiigooda halkaasi ku dhamaaday waxaana suurtagashay in masuuliyiin ka tirsan dowladda ay dhigooda u shubaan.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdukhaadir Macalin nuur iyo gudoomiyaha Furdada Xamar  Axmed Cabdullaahi Samoow ayaa dhiigooda ugu deeqay Shacabkii Soomaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay weerarkii  Pizza Hause kaas oo ay dad badani ku dhinteen.

Sidoo kale qaar badan oo dhacdadaas ku waxyeeloobay ayaa geeriyooday halka kuwo kale ay weli ku jiraan Isbitaalada Waaweyn e ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Sawiro