Somaliland oo raadinaysa Fure Isgaarsiineed oo ka madaxbnaan Somalia

Wararka Maanta

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi ayaa sheegay in kaddib xilka cusub ee loo magacaabay uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu raadinayo furaha Boostada iyo midka Simcard-ka,sida uu sheegay waxaana uu intaas ku daray in shaqada uu wasaaraddiisa qabanayo ay noqoneyso inay Somaliland helaan fure taleefoon oo madax banaan.

Waxa uu Wasiirku sheegay in qorshahiisa ugu weyn yahay in Somaliland aysan waxba la wadaagin Soomaaliya dhinaca Isgaarsiinta.

Waxaa uu ka hadlaayay kulankii shalay Golaha wakiillada Somaliland ay codka kalsoonida ku siinayeen qaar ka mid ah Wasiirrada uu magacaabay Muuse Biixi Cabdi oo uu isaga ka mid ahaa.