Maraykanka oo ka hadlay dilka wariye dhawaan afgooye lagu dilay

Wararka Maanta

Dowlada Maraykanka ayaa cambaareysay dilkii weriye Cabdiweli Cali Xasan oo lagu diley magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa ugu horeyn tacsi loogu direy xaaskiisa iyo caruurtiisa, saaxiibadii iyo dadkii ay shaqo wadaaga ahaayeen weriye Cabdiweli Online oo wakiil wareed u ahaa taleefishinka Universal iyo idaacada Kulmiye.

Safaaradu waxay sheegtey in beegsiga iyo dilalka dadka warbaahinta ka shaqeeya, oo shaqadoodu tahay in ay warka gaarsiiyaan waxna baraan bulshada, ay tahay mid ay Al-Shabaab ku dooneyso in ay ku aamusiso codadka Soomaaliyeed.

Safaaradu waxa ay bogaadisey howsha ballaaran ee halbowlaha ah ee ay wariyayaashu hayaan, sidoo kalena waxay sheegtey in ay aqoonsan yihiin qatarta iyo culeysyada ay ku shaqeeyaan.

Qoraalkaas ayey safaaradu ku sheegtey in Mareykanku uu garab taagan tahay shacabka Sooomaaliyeed, si ay u wada difaacaan xoriyada lama taabtaanka ah ee warbaahinta iyo xoriyada hadalka.

Safaaadda ayaa ugu dambeyn ku baaqday in la soo afjaro dhaqanka rabshada iyo nabadgelinta kuwa wax dila oo ah mid qatar ah.

Weriye Cabdiweli Online oo shalay lagu aasay deegaanada calamada ayaa waxaa qoyskiisa booqasho ugu tegey guddoomiyaha iyo xoghayaha guud ee ururka FESOJ kuwaasoo dhaqaale u geeyay qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday weriye Cabdiweli Onlie.