Faafaahin: Dagaallo xooggan oo ka dhacay Sh/Hoose.

Wararka Maanta

Waxaa weli rasaas goos goos ah laga maqlayaa degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo saakay waaberigii hore ay weerar ku billowdey qarax ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in Buundada degmada Qoryoleey qarax ku burburiyeen,in kastoo Guddoomiyaha Gobolka Shabeeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax uu Warkaasi beeniyey, waxaana la sheegay in sidoo kale Al-Shabaab ay inta badan degmadaas dagaal kula wareegeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo gaaray labada dhinac ee Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabab,hayeeshee aan sirasmi ah loo xaqijin karin tirada dadka ku waxyeeloobey.

Dhinaca kale weerar ku bilaawdey qarax ayaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab waxa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee duleedka Magaalada Marka,waxaana la sheegay in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay iska difaaceen,isla markaana ay ka dileen Al-Shabaab Xubno farabadan,in kastoo dad madax bannaan aysan Warkaasi xaqiijin.

Sido kale waxaa dagaal toos ah oo u dhexeeya Ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab uu ka socdaa inta u dhexeysa deegaanada Xaawa Cabdi iyo Lafoole oo wax ka yar 30km u jiraan Magaalada Muqdisho iyadoo aan qasaaraha ka dhashay dagaalkaas aan la ogaan karin maadaama uu weli socdo

Qeybo badan oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay ila saakay waxaa ka dhacay dagaalo kala duwan,waxaana jirin cid ka tirsan dowladda oo si rasmi ah uga hadashay dagaaladaas.