Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa uga digay Sacuudiga “cawaaqibta” ka dhalankarta falalka ay ka geystaan Bariga Dhexe.
Digniinta xoghayaha ayaa timid Jimcadii isagoo booqasho ku tagay magaalada Paris,ee cariga Faransiiska, halkaas oo uu uga faalooday dhaqanka Riyadh ee ku wajahan Yemen, Qadar iyo wadamada kale ee dariska.
“Marka la eego sida Sacuudi Carabiya ay ula dhaqmayaan wadamada Qatar, dagaalka Yaman iyo xaaladda Lubnaan, waxaan ku dhiirigelineynaa in ay waxoogaa ay tallaabadooda cabiraan oo ay ka fekeraan, si buuxdana u tixgeliyaan cawaaqibka, ka imaan kara “ayuu yiri Tillerson.
Tillerson ayaa intaa raaciyay in, Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda ay ku qaadeen olole milatari oo dhiig badan ku daatay dalka Yemen horaantii sanadka 2015 ka, tan iyo markaas ay si joogta ah u weerarayaan.
Hadalka Tillerson ayaa imaanaya iyada oo sidoo kale Maraykanku uu ka qaybqaatay dagaalka Sacuudiga ee Yemen, si toos ah, iyo si dadban iyada oo la wadaagayso sirdoonka iyo taageerada sahayda, io sidoo kale ka iibinayso balaayiin doollar oo hub ah xukuumadda Sacuudiga.
Horaantii bishii May, madaxweynaha maraykanka Donald Trump, ayaa saxiixay heshiis ku kacaya $ 350 bilyan oo dollar oo hubka laga iibinayo Riyadh.