Ciidanka Dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Balcad

Wararka Maanta

Ururka Al-Shabaab ayaa saaka aroortii  weerar xooggan ku qaaday degmada Balcad  gobolka Shabeelaha dhexe, Balcad ayaa Muqdisho u jirta 30KM, Dagaalkaan ayaa gudaha magaalada ka socday muddo ku dhow saacad iyo bar, isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Alshabaab ayaa muddo kooban la wareegay xaafado ka mid ah degmadaas oo ay gudaha u soo galeen, isla markaana xabsiga Balcad ay kasii daayeen Maxaabiis ku xirneyd, sidoo kalena ay muddo kooban heysteen Saldhiga Degmada. Al-Shabaabka  weeraray Balcad ayaa la sheegay inay doonyo kaga soo gudbeen wabiga Shabelle ee mara degmadaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalkaas, waxaana wararka qaarkood ay  tilmaamayaan in Ciidan ka xoogga dalka iyo AMISOM markii dambe dagaalka kusoo biireen.

Intaas kadib Al-shabaab ayaa isaga baxay Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana waxaa haatan xaaladda degmadaas ay tahay mid degan oo aan la maqleyn wax rasaas oo dhaceysa, ayna shaqeynayaan goobaha ganacsiga.

Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Oronjo ayaa yiri”Xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda daggan kadib weerar ay saakay waaberigii ku soo qaadeen Maleeshiyaadka argagixisada Al Shabaab, Kooxdii soo weerartay waxaa laga dilay 14 maleeshiyo ah, halka ciidamada Dowladda uu ka dhintay hal Askari, iyo dhawaca 7 qof oo shacab ah”.

Dhinaca kale war qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen inay Degmada Balcad gudaha u gleen, isla markaana ay la wareegeen Saldhiga Degmada, sidoo kalena ay halkaas kasii daayeen Maxaabiis ku xirneyd.

wixii kusoo kordha kala soco

www.Facebook.com/ceelhuurnews