Mahad Cawad oo ku guuleystay kursiga beesha Direed -Muqdisho

Wararka Maanta

fb_img_1480501579729

Mahad Cabdalle Cawad gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday ayaa  maanta ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee beeshiisa oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ka dib markii laga soo wareejiyay degaanada Maamulka Puntland.

Mahad Cabadalla Cawad ayaa ku guuleysta 50 cod kursiga Beesha Direed ee Puntland degta. waxaa la tartamaayay Xasan Maxamed Nuur oo helay 1 cod.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa horey uga mid noqday liiska musharixiinta aqalka sare ee Puntland soo saartay, inkastoo uusan ka qeyb galin.

Kursigan ayaa noqonaya kursigii koowaad aqalka hoose ee magaalada Muqdisho, waxaana heer gababo ah maraya doorashada gobolada ka socota.

Comments are closed.