Waxaa maanta magaalada ka dhacday doorashada hal kursi oo ahaa kursiga 29-aad Beesha Saleebaan/Gaabane, waxaa ku tartamay saddex musharax oo kala ah
- Maxamed Axmed Abtidoon
- Aadan Cusmaan Cali
- Ubax Axmed Warsame
Waxaa goobta doorashada ka maqnaa labada musharax Caasho Xaaji Cilmi iyo Mahdi Cumar Muumin, lama oga sababta rasmiga maqnaanshahooda.
Doorashada ayaa ku soo idlaatay hal wareeg, waxaana codeyey 51 ergay, guddiga doorashada ayaana ku dhawaaqay natiijada codbixinta, Maxamed Axmed Abtidoon ayaa ku guuleystay kursiga beesha Saleebaan/Gaabane isagoo helay 41 cod, halka Aadan Cusmaan Cali helay 6 cod, Ubax Axmed Warsame 2 cod, Mahdi Cumar Muumin 2 cod.
Doorashada Ayaa waxaa ka harsan 7 kursi, waxaana la qorsheynayaa in maalmaha soo socda la soo afmeero.
Comments are closed.