Madaxweyne Xaaf oo diiday ka qeybgalka Shirka Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

War-Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo goordhow soo gaaray ceelhuur.com ayaa u qornaa sidan:

War Saxaafadeed

Annagoo xiganeyna qoraal aan ku aragnay baraha bulshada kuna taariikheysneyd 22/09/2018, kana soo baxday Villa Soomaaliya oo ka hadlaysay Madaxweynaha Soomaaliya oo shir deg
deg ah isugu yeeray Madaxda Galmudug si loo xalliyo khilaafaadka u dhexeeya iyo dagaalada ka soo cusboonaaday degaanada Galmudug.

Annagoo qadarinayna talada Madaxweynaha Soomaliya iyo soo jeedintiisa, waxaan cadeyneynaa in aysan jirin Madax Galmudug ee is khilaafsan, wixii ka dambeeyey 18kii bishaan. Mushkiladaha ka jirey Galmudug ee siyaasadeed ama amni ma ahan kuwa iska yimid ee waa kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya, Dowladda
Federaalka ayaa qaadaysa wax kasta oo ka dhashay dagaaladaas, Galmudug uma baahna xalkeedu in Muqdisho la’iskugu yimaado ee waxay u baahantahay in faragalinta laga daayo lagana saaro dadka dheeriga ku ah, qalalaasaha iyo abaabuladana ka wada degaanada qaar ee
Galmudug.

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalku ay weli iska dhinac mareyso go’aanadii iyo talo soo jeedinadii ku qornaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad
Goboleedkyada Dalka ee ku soo gaba gaboobay Kismaayo 08/09/2018, iyadoo ay nala joogeen magaalo madaxda Dowlad Goboleedka ee Dhuusamareeb wafdi ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ujeedada safarkoodu ahayd in ay xog dhab ah ka
helaan khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee sababay hakinta xiriirkii wada shaqeynta Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana haboonayd in Dowladda Federaalku ay sugto natiijada ka soo bixi lahayd wafdiga ka socday Aqalka Sare.

Hadaba, annaga oo dhawrayna go’aankii ahaa in Dowlad Goboleedyadu hakiyeen wada shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda Federaalka ayeyna suurtagal noo ahayn in aan hadda nimaadno Muqdisho, maadaama aan ku guda jirno dajinta xiisadaha dagaal beeleedka hadda ka soo cusboonaaday deegaanada qaar iyo dib u heshiisiintooda.

Baaq
Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo Dowladaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya in ay si dhaw ula socdaan kana hadlaan faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Galmudug.

Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka
waantoobaan qaabka ay u adeegsanayaan Dowlad Goboleedyada oo ah qaybi oo xukun, kuna bedelaan midee oo hogaami.

Dhammaad
Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug